Madaxweyne Farmaajo Oo galabta ka degay Garowe warar sheegaya in madxweynuhu…

Garowe (Banaadirsom)-Madaxweynaha Dalka mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ayaa waxa uu galabta gaaray Magaalada Garowe Ee Caasimada Dawlad Gobolleedka Puntland. Diyaarad gaar ah ayaa Madaxweyne Farmaajo waxay galabta Casirkii ka qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho iyadoo garoonka Diyaaradaha Garowe ka dejisey.

Madaxweyne Siciid Dani iyo Kuxigeenkiisa Axmed Karaash ayaana wafdiga Madaxweyne farmaajo kusoo dhaweeyey Garowe.

Shalay Jimcihii waxaa tegay magaaladaasi Wafdi Ra’iisal Wasaare Kheyre Horkacayey,iyadoo saacadaha soo socda la filayo inuu furmo Shirka talo wadaag.

Shirkaasi ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda Dawlada Dhexe iyo Hogaamiyeyaasha Maamul Gobolleedyada Dalka ka jira.