Home Wararka Maanta Madaxweynayaashii hore ee dalka oo abaabul kawada Cadale, kulan weyn oo dhacay...

Madaxweynayaashii hore ee dalka oo abaabul kawada Cadale, kulan weyn oo dhacay iyo isfaham la gaaray

Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ku sugan yihiin madaxweynayaashoo hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmad iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa ay kawadaan kulamo ay la yeelanayaan qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxda ayaa kulan dheer la qaadatay Odiyaasha dhaqanka waxaana kulanka oo ahaa mid albaabada u xirnaayeen oo la isaga xog-wareystay xaaladda guud ee deegaanka iyo Colaad beeleedyo sanado badan ka dhacayay deegaano hoostega degmadaas, kuwaasi oo geystay khasaaro nafeed iyo hanti intaba.

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh madaxweynayashi hore ee dalka ayaa waxgaradka Cadale ka dhageystay warbixin ku saabsan mashaqadii ka dhacday Tuulada Burdheere {Koogaar}, taasi oo sannadkii 2019-kii noqotay deegaan laga qaxay.

Waxaa wararka ay sheegayaan  in Odayaasha dhaqanka degmada ay Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya ka dalbadeen in ka shaqeyaan sidii xal buuxa looga gaari Colaad beeleedyada ku soo laab-laabtay Cadale iyo deegaanada hoostega.

Dhanka kale Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Odayaasha uu kulmay uga mahadceliyay doorka shariifka ah ee ay ka qaateen xasilloonida, midnimada iyo nabadeynta dadka walaalaha ee deegaanka ku wada nool.

“Had iyo jeer dhaqanku waa tiirka ugu muhiimsan ee horumarka, amniga iyo dowladnimada, oo ay adkaan lahayd in la’aantood laga soo gudbo caqabado badan oo dalka ka jirey” ayuu yiri Sheekh Shariif oo Qoraal kooban soo saaray.

Madaxweyneyaashii hore ee dalka kulanka ay  la qaateen Odayassha dhaqanka  degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa dibad joog ka ahaa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

 

Source link