Home Wararka Maanta Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni oo is-hortaagay Mashaariic laga Fulin lahaa Gobolka...

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni oo is-hortaagay Mashaariic laga Fulin lahaa Gobolka Mudug

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isaga oo kaashanaya Wasiirka Qorshaynta Cabdiqafaar Cilmi Xaange iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Warsame Dhabanacad waxay is-hortaag ku sameeyeen mashaariic dhawr ah oo laga fulin lahaa degaano ka tirsan gobolka Mudug.

Mashaariicdan oo dhaqaalahooda ay lahayd ururka Midowga reer Europe, ayaa imika u dhow in la joojiyo ama la hakiyo, maadaama xukuumadda madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni ay weli ku adkaysanayso in loo soo wareejiyo magaalada Garoowe ee xarunta dawladda Puntland.

Mashaariicdan oo kor loogu qaadayo heer-nololeedka dadka gobolka Mudug, isla markaana wax looga qabanayo baahiyahooda sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, wadooyinka yaryar ah, ayaa dawladda Puntland amar dul-dhigtay in la geeyo magaalada Garoowe oo ah halka ugu badan ee ka faa’iidaysatay mashaariicda horumarinta iyo gargaarka ee ay beesha caalamku siiso Puntland.
Ujeedada ka danbaysa is-hortaagga mashaariicdan ayaan si toos ah loo garanayn, laakiin waxaa loo badinayaa in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, Wasiir Xaange iyo Wasiir Dhabanacad ay doonayaan inay musuqmaasuqaan mashaariicda ama ay fuliyaan hay’ado iyo NGO-yo maxalli ah oo ay si gaar u naas-nuujiso xukuumadda Puntland.

Midowga Europe oo iska leh dhaqaalaha lagu dhisayo wadada burbursan ee u dhexeysa magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa sannado ka hor waxa uu diyaariyey in dhismaha jidkaasi weyn lagu kabo mashaariic kale oo wax looga qabanayo baahiyaha magaalooyinka iyo tuulooyinka kale ee ka tirsan gobolka Mudug.

Mashaariicdan oo ah kuwo kaabaya dhismaha wadada Garoowe-Gaalkacyo (complementary projects), ayey ahayd in mar hore la bilaabo laakiin waxay u xayiran yihiin diidmada xukuumadda Puntland.

Degaanada laga fulin lahaa mashaariicdan ay hor istaagaty xukuumadda Siciid Cabdullahi Deni ayaa waxaa ka mid ah ah Jallam, Burtinle, Xarfo, Bacaadweyn, Buursaalax, Beyra, Cagaaran iyo degaano kale. Dadka degaanadan ayaa si weyn ugu baahi qaba in ay helaan mashaariic horumarineed oo wax lagaga qabanayo baahiyahood nololeed iyagoo in muddo ah iskood wax u qabsanayey, isla markaana aan helin saamiga ay ku leeyihiin deeqaha beesha caalamku gaarsiiso Puntland iyo weliba tii ay ku lahaayeen miisaaniyadda dawladda Puntland.

 

Source link