Home Wararka Maanta Madaxweynaha Puntland Deni oo gaaray magaalada Muqdisho & Shirka oo Furmaya

Madaxweynaha Puntland Deni oo gaaray magaalada Muqdisho & Shirka oo Furmaya





Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa saaka gaaray Muqdisho,si uu ugaga qeybgalo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Saciid Deni Madaxweynaha Puntland ayaa yimid Muqdisho xilli ay hore ugu sugnaayeen dhammaan madaxda maamul goboleedyada kale ee dalka.

Shirka ayaa goordhow ka furmi doona Hoolka Afisyooni, halkaasoo ay xilligan xaadir ku yihiin qaar ka mid ah Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran oo uu isugu yeeray Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kaas ayaa looga arinsan doonaa howlaha dhameystirka doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Shirka ayaa waxaa kawada qeybgalaya Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

 




Source link