Home Wararka Maanta Madaxweynaha Jabuuti oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya

Madaxweynaha Jabuuti oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Axaddii shalay Magaalada Djibouti ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan oo booqasho ku joogga dalkaasi.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Somaliya, gaar ahaan doorashooyinka ku soo foolka leh dalka.

James Swan oo kulankaasi ka dib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweyne Geelle ay isla soo qaadeen in la texgeliyo heshiiskii 27-kii May, ee ku qotomay doorashooyinka dalka.

“Booqashadan waxay si gaar ah ugu saabsan tahay in wadatashiyo aan la yeesho madaxda sare ee reer Jabuuti, si aan isaga xog-wareysano xaaladda Somaliya iyo inaan isla wadaagno wa-xoogaa aragtiya.” Ayuu yiri James Swan.

Waxa kaloo uu yiri “Sidoo kale waxay booqashadan qayb ka tahay booqashooyin dhowra, oo aan qaban-qaabinayo toddobaadyadan, kuna marayo dalal ay saaxiibo yihiin Somaliya, oo xitaa ay ka mid yihiin wadamada Bariga Dhexe.”

Swan ayaa intaa ku daray “Madaxweynaha Jabuuti waxaan isla soo hadalqaadnay muhiimadda ay leedahay in la texgeliyo, isla-markaana la dhaqangeliyo heshiiskii 27-kii May, ee ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Somaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, oo ah tubta loo marayo doorashada lagu wada qanacsan yahay.”

 

Source link