Home Wararka Maanta Madaxda maamul goboleedyada iyo RW Rooble oo shir gaar ah yeeshay+Qodobada xasaasiga...

Madaxda maamul goboleedyada iyo RW Rooble oo shir gaar ah yeeshay+Qodobada xasaasiga ah iyo caqabadaha doorashada





Ra’iisul Wasaaraha Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo xalay wada hadalo khadka zoomka yeeshay ayaa ka hadlay dardar gelinta doorashooyinka,  arrinta Somaliland, Hirgelinta soo  jeedinta Guddiga dib u heshiisiinta Gedo iyo xalinta caqabadaha weli ka jira doorashada.

Ilo ku dhow dhow Shirka ayaa sheegaya in Madaxda Dowlad Goboleedyada ay aad ugu kala aragti duwan yihiin arrinta Somaliland, sida muuqatay ay Madaxda Dowlad Goboleedyada xiriiro lakala leeyihiin labada garab ee Siyaasiyiinta Somaliland kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Shirka ayaa si gaar ah looga hadlay Gobolka Gedo Gaar ahaan Doorashada degmada Garbahaarey iyo in khidmadda  Doorashada Aqalka sare laga dhigo 10 kun oo dollar markii hore ahaa 20 kun oo Dollar ,

Dhanka kale madaxda ayaa ka shiray  dhaqaalihii Doorashada Soomaaliya xitaa waxaa laga yaabaa Doorashada Somaliya in laga dhigo hal  deegaan taasoo ay wada daneynaayaan madaxweyneyaasha koofur Galbeed hirshabeelle iyo Galmudug.

 




Source link