Home Wararka Maanta Madax goboleedyada & Musharaxiinta oo kulan deg deg ah ku leh Muqdisho...

Madax goboleedyada & Musharaxiinta oo kulan deg deg ah ku leh Muqdisho (Sawirro)

Waxaa goor dhow kulan xasaasi ah uu uga furmay Muqdisho Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah DFS & Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay Hoyga  ay Muqdisho ka deganyihiin Madaxweyneyaasha Puntland  iyo Juballand, Waxaa looga hadlaya arrimaha Doorashadda.

Midowga musharaxiinta ayaa ka soo horjeestay habraacii doorashada ee ay soo saareen shalay golaha wadatashiga Qaranka oo ka kooban RW Rooble iyo madax goboleedyada dalka, iyagoo diidan qodobada qaar oo awoodo dheeraad ah siinaya madaxda dowlad goboleedyada.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa isku dayaya iney musharaxiinta ku qanciyaan tabashooyinka ay ka qabaan habraacii ay shalay soo saareen oo si weyn looga qeyliyey, laguna tilmaamay mid awoodii doorashooyinka oo idil gacanta u geliyey madax goboleedyada

La soco wixii soo kordha.. 
HOOS KA DAAWO SAWIRADA

 

Source link