Home Arimaha Bulshada Ma Jirtaan Laba Wiil Hal Mar Ku Wada Jecle, Ma Doonaysaa In...

Ma Jirtaan Laba Wiil Hal Mar Ku Wada Jecle, Ma Doonaysaa In Aad Dooratid Midka Adiga Kuu Fiican, Habkan Fudud Ayaa Ku Caawinaysa – Banaadirsom


Nasiib darro, kaliya maahan filimada laakiin sidoo kale nolosha dhabta ah, waxaa laga yaabaa inaad tahay dhibbanaha qalbigaaga oo u kala qaybsan laba qof hadaba sdee ayaad uga fal celin lahayd arintaas? Sidee ayaad ku dooran lahayd laba qof oo ku jecel? ama Nin uu qalbigaagu doortay iyo Nin uu wadnahaagu doortay?.

Waxa aan maanta kaa caawin doona qaabka aad u dooran lahayd hadii ay qalbigaaga iyo wadnahaagu u kala qaybsan yihiin laba wiil kuwaas oo dhankooda hal mar ku wada doonaya.

** Naftaada Tijaabi: Midee Ayaad Jeceshahay?

*Go’aami dookhaaga:

Mid ka mid ah siyaabaha ugu wanaagsan ee kuu oggolaanaya inaad kala go’aansato laba qof ee ku jecel waa inaad warqad ku qortaa shuruudahaaga nolosha, gaar ahaan ninka. Maxay tahay muhiimadaada ugu horaysa? quruxda? Ixtiraamka? dhex-dhexaad? is fahamka? isla noolaanshaha? ama arimo kale? markaas dooro waxa uu qalbigaagu ku faraxsanyahay kuna qanacsanyahay intaas kadib dooro Ninka leh ama ku siin kar arimaha aad ka soo fikirtay.

*wada noolaanshaha idinka dhexeeya:

Iskuday inaad ku qiyaasto naftaada labadan, adoo tixgelinaya jawiga guud iyo midka gaarka ah ee labada Nin, adiga oo qiimaynaya dabeecada Labada Nin, shaqsiyadooda, iyo xidhiidhka labada nin u dhexeeya, Labada mustaqbalka aad la wadaagi kartid, iyo arinta uu muhiimsan oo ah midkee ayaad la heshiin kartaad hadii aad isaga dooratid?, Midkee ayaad ku heli kartaa Nabada gudaha ah waliba la qaadan kartaa nolosha dhibkeeda iyo murugada?

** Faah-Faahintan u dhaaf jacaylka Dartiis?

*Tixgeli dareenkaaga

Maaha mid adiga kugu habboon, iyo ninka aad damacsan tahay in aad nolosha la wadaagtid jacayl la’aan sidaas darteed marka aad halkan maraysid wa in aad ka fiirsato dareenkaaga iyo Labada Nin midka aad jeceshahay iyo Ninka ku jira qalbigaaga laakiin ha samayn wax aad mustaqbalka ka shalaysid sababta oo ah marar qaar jacaylku waxa uu inagu riixaa wax aan inoo fiicnayn, tusaale ahaan in aad dooratid Nin aan si dhab ah kuu jeclayn waliba jacaylku ka yahay kaliya mid dibada ah oo aan daacad kuu ahayn, waxa aan kugula talinaynaa in aad iska dhaafto waxyaabaha qaar jacaylka dartiis, tusaale ahaan muuqaalka dusha, maalka sidaas darteed ma ahan gabadheey in aad mustaqbalkaaga ku tuurto nin aan ku Ixtiraamayn taas oo ah shardi muhiim ah.

Source link