Home Arimaha Bulshada Ma Jirtaa In Aad Kala Fogtihiin Qofka Aad Jeceshahay, Ma Doonaysaa In...

Ma Jirtaa In Aad Kala Fogtihiin Qofka Aad Jeceshahay, Ma Doonaysaa In Aad Jacaylkiina Noolaysiin, 6-dan Wad Ayaa Kaa Caawinaysa. – Allsomali.net


Ma jiro qof odhanaya waa mid fudud, masaafada dheeriga ah waxa ay xidhiidhka ka dhigtaa mid adag, xidhiidhka dadka kala fog ayaa ahna labada qof u suurtagalayn in ay gacanta is qabsadaan, wax wada cunaan sidoo kale is arkaan oo ay is taabtaan.

Waa mid adag in ay labada qof ilaaliyaan xidhiidhka kala fog laakiin waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa sida ay labada qof ee is jecel laakiin kala fog u ilaalin karaan xidhiidhkooda iyo jacaylkooda.

1.Daacad isu noqo:

Daacadnimadu waa waxa ugu muhiimsan xiriir kasta, waxay ka dhigeysaa isku xirnaantaada mid sii xoogeysta. Waligaa ha isku dayin inaad wax ka qariso qofka aad jeceshahay,Ka hadal dareenkaaga cabsi, amni-darro, masayr, wax kastoo jira. Noqo mid furan oo daacad ah.

2.Ka fogow xiriir xad dhaaf ah:

Xilligan haatan la joogo waxa jira Skype, Whatsapp iyo meelo kale oo ay labada qof ee kala fog si dhib yar uga wada xidhiidhi karaan hadii ay noqoto qoraal iyo maqal iyo muuqaalba laakiin in aad maalintii 5 ilaa 6 saac ku qaadataan in aad wada hadashaan waxa ay xumaynaysaa xidhiidhkiina sababta oo ah xidhiidhka joogtada ah waxa ay keenaysaa in aad lumisaan xiisaha aad isku qabtaan.

3.Is booqda muddo kadib:

Booqqashada ayaa xidhiidhka ka dhigaysa mid xoogaysta maadama xidhiidhka meesha fog ay adagtahay in ay labada qof muddo dheer u adkaysan karin in ay is arkaan, isku daya in aad samaysaan booqasho toos ah muddo marka aad kala maqantihiin, Tusaale ahaan waa in uu labadiina midka ay u suurtagalayso booqdo midka kale si aad u samaysaan xidhiidh toos ah sida in aad cunto wada cuntaan in aad gacmaha is qabsataan iyo wax la mid ah.

4.Go’aansada Wakhti Aad Is Guursataan ama aad si toos ah u kulantaan oo aad sidaas u wada noolaataan:

Go’aansada wakhti aad kala maqnaan kartaan iyo wakhti aad si Rasmi ah isugu iman kartaan hadii ay tahay in aad is guursataan ama oo aad si Rasmi ah u wada dagtaan, hadii aad horay isku qabteen go’aamiya wakhti aad si Rasmi ah u wada-dagtaan sababta oo ah ma jirto laba qof oo is jecel oo noloshooda kala maqnaan kara.

5.Diyaar Noqon Marka Uu Qoka kale kuu baahdo:

Inkasta oo aad kala fogtihiin, hadana waa in aad diyaar u noqotaan marka uu kuu baahdo qofka kale ee aad is jeceshihiin Tusaale ahaan, hadii uu u baahdo taageeradaada iyo waliba in aad ka wadahadashaan arin ku saabsan xidhiidhkiina.

6.Isku daya in aad ogaataan wakhtiyada aad mashquulka tihiin:

Iska ilaaliyaa in aad lamaanahaaga ka dhex-gashid wakhtigiisa shaqada ama in aad ka khal-khalisid jadwal uu uu samaystay isku daya in aad samaysataan wakhti idiin gaar ah oo aad wada hadashaaan.

Source link