Home Arimaha Bulshada Ma Doonaysaa In Uu Gacaliyahaagu Maalin Walba Kuu Qaado Jacayl Ka Weyn...

Ma Doonaysaa In Uu Gacaliyahaagu Maalin Walba Kuu Qaado Jacayl Ka Weyn Midkii Hore, 5-tan Kalmad Adeegso Mar Kasta, Indhihiisa Ayuu Kaa Jeclaanayaa. – Banaadirsom


Ragga ayaa had iyo jeer ka cawda qallaylka xiriirka guurka ee dareenka, gaar ahaan sannado ka dib guurka taas oo keenta in ay labada dhinac ee Guurku ka fikiraan xaalada waliba aaminaan in ay  raadiyaan waxyaabo raaxo galinaya kana fikiraan in ay gabadha mar kale la guursadaan.

Laakiin hadii ay gabdhu jeceshay gacaliyeheeda waxa ay raadinaysaa wadooyin ay kaga farxiso sidoo kale ku dareensiiso jacaylka ay u qabto si uuna u dareemin jacayl la’aan.

Inta badan lamaanaha is qaba gaar ahaan kuwa somalida ayaa aaminsan in soo bandhigista waxa ku jira qalbiga ayna ahayn mid muhiim ah gaar ahaan kadib marka ay laabda qof is guursadaan maadama ay dareensanyihiin in jacaylka iyo daryeelku ku eegyahay wakhtiga haasaawaha.

Laakiin arintaas ayaan muhiim ahayn maadama guurka kadib tahay wakhtiga ugu fiican ee ay tahay in labada qof ee is qaba muujiyaan soona bandhigaan jacaylkoda.

Hadaba waxa aan maanta halkan ku soo bandhigi doonaa kalmado saamayn weyn ku yeesha qalbiga Ninka waliba keenaysa in uu gabadha u sii jeclaado si ka badan sidii hore.

1.Waan kuu xiisay:

Calaamadaha jacaylka waxa ka mid ah xiisida, waana arimaha sida aadka ah u soo bandhiga jacaylka saamayn weyna ku yeelata Qalbiga, marka uu Gacaliyahaagu ku soo laabto guriga kana yimaado shaqada ama safar in aad ku tidhaahdo waan kuu xiisay waxa ay qalbigiisa ku reebaysaa saamayn waali ah taas oo keenaysa in uu kuu jeclaado si ka badan sidii hore.

2.Waxa aan kuu baahanahay in aad Agtayda Joogtid:

Dareenka ah in ay gabadhu u baahantahay Ninka, waa dareen uu jecelyahay Ninku, in ay gabadhu gacaliyeheeda u sheegto baahida ay u qabto in uu garab joogo waxa ay ku keenaysaa dareenk Ninka ayaana aad u qiimaynaya arintaas.

3.Waxa aan ku kalsoonahay Go’aankaaga & Fikirkaaga:

Ma jiro wax Ninka farxad galiya kana badan in uu ku kalsoonyahay naftiisa marka ay gabadhu u sheegto inka in ay qadariso go’aankiisa kuna kalsoontahay fikirkiisa waxa ay siinaysaa dhiiri galin naftiisa ah waxana ay arintaas keenaysaa in uu Gabadha wax walba kala tashado.

4.Waad Ku Mahadsantahay Waxa Aad ii Qabatay:

Qof walba waxa uu jecelyahay in loo mahad celiyo, xitaa hadii uuna ka filayn qofka in uu uga mahad celiyo dadaalkiisa, laakiin marka ay Gabadhu Ninka u mahad celiso waxa ay siinaysaa dhiiri galin iyo tamar, marka ay Xaasku u mahad celiso waxa uu gacaliyeheedu u qabtay waxa ay kor u qaadaysaa jacaylka uu u qabo gabahda.

5.Mar Walba waan kaa fikiraa:

Waxa laga yaabaa in ay Gabadhu ku mashquulsantahay nolosheeda maalinta laakiin marka ay gacaliyeheeda u sheegto in ay mar walba qalbigeeda ku jirta waliba ka fikiraysay maalinta oo dhan, waxana ay dareensiinaysaa in aad aad u qiimayso isaga.

Source link