Home Arimaha Bulshada Ma Doonaysaa In Aad Qalbigaaga Ka Saartid Qof Aan Wax Jacayl Ah...

Ma Doonaysaa In Aad Qalbigaaga Ka Saartid Qof Aan Wax Jacayl Ah Kuu Qabin, Wadooyinkan Raac Si Deg-Deg Ah Ayaad Ku Iloobaysaa – Banaadirsom


Sababo jira awgood, waxa laga yaabaa in uu qofku raadiyo jawaabta su’aasha ah “Sidee Ayaan Uga taqalusaa jacaylka qof aan isagu i jeclayn ama wax jacayl ah ii qabin?” maadama uuna jacaylku lahayn doorasho waliba aad jeclaan karto qofka xitaa hadii uuna kugu fiicnayn.

Guud ahaan jacaylka ayaan lahayn wax xeer ah waana dareen fiican oo uu qofku doonayo in uuna waligiid ka bixin wax walba oo dhaca.

Laakiin mararka qaar waxa dhici karta in aanu qofka aad jeceshahay wax dareen ah kuu qabin waliba arintaas adiga dhib kugu tahay hadaba sidee ayaad isku ilowsiin kartaa jacaylka qofka aan isagu ku jeclayn.

  • Isku day inaad ka fogaato meelaha uu joogo waligaa ha eegin hana raadin.
  • Waa in aad mashquulisdi qalbigaaga waliba aanad ka fikirin qofka adiga oo wakhti la qaadanaya Asxaabtaada ama sidoo kale isku mashquulinaya shaqooyin hadii ay kuu taalo, isku day in aanad ka fikirin wax walba oo qofka ku saabsan.
  • Marka uu qalbigaagu si joogto ah uga fikiro qofka, fikirkaaga ku jeedi wax walba oo xun oo isaga ku saabsan arintaas oo keenaysa in aad ilowdid qofka.
  • Hadii aad awoodid in aad safar gashid isku day in aad safartid si aad maskaxdaada uga saartid qofka iyo in aad la kulantid qof kale oo aad isku ilowsiisid.

Source link