Home Arimaha Bulshada Ma Doonaysaa In Aad Is Jeclaysiisid Soddohdaa Kulanka Ugu Horeeya, 6-dan Wado...

Ma Doonaysaa In Aad Is Jeclaysiisid Soddohdaa Kulanka Ugu Horeeya, 6-dan Wado Ayaa Kaa Caawinaysa. – Allsomali.net


Soddohda ayaa ah qofka ugu muhiimsan nolosha gabadha maadama aad guursanaysid wiilkeeda sidaas darteed waxa muhiim ah in aad diirada saartid kulanka ugu horeeya ee aad la kulmaysid Hooyada Ninka mustaqbalkaaga.

Sidaas darteed Gabadheey waxa fiican in aad diirada saartid in kulanka ugu horeeya ee aad la qaadanaysid Hooyada Gacaliyahaaga in uu noqdo mid guulaysta si uu bilowga nolosha aad la qaadanayso Ninkaagu u noqdo mid fadhiya.

Hadaba sidee Ayaa ula dhaqmaysaa Soddohdaa ama Hooyada Ninkaaga mustaqbalka, waxa aan halkan ku soo bandhigaynaa qodobo kaa caawin kara in uu kulanka ugu horeeya ee soddohdaadu noqdo mid guulaysta.

1.Iska ilaali in aad xidhato Dhar aan fiicnayn:

Gabadhyahay waxa fiican in aad ka fogaato Dhar aan fiicnayn oo jidhkaaga laga dhex arakayo ama kugu dhagsan oo jidhkaaga muujinaya marka aad la kulmayso Hooyada Gacaliyahaaga si aanad ula kulmin dhaleecayn ama in ay Soddohdaa ka soo hor jeedsan in uu wiilkeedu ku guursado.

2.Si fiican uga fikir hadalka aad odhanayso:

Waxa fiican gabadhyahay in aad si fiican uga fikirtid hadal aad odhanayso waliba aad miisaanto inta aanad odhan kulanka ugu horeeya ee aad la kulmaysid gabadha, sidoo kale ha ku deg-degin jawaabta su’aasha ay ku waydiiso adiga oo aan si fiican uga fikirin.

Waxa fiican in aad samaysid in aad kulanka ugu horeeya, u sheekee, la fadhiiso sidoo kale iska ilaali in aad u gashid mawduucyo ka duwan kulankiina si aad u heshid qalbigeeda.

3.U Fiicnow:

kulanka ugu horeeya ee aad la kulmayso soddohdaa isku day in aad noqoto mid u fiican, adiga oo amaanaya Sidoo kale kula kaftamaya sida aad u jeceshahay wiilkeeda.

4.Si fiican u dhagayso:

Kulanka ugu horeeya ee soddohdaa waa in aad si fiican u dhagaysato hadalkeeda waliba aad siiso Ixtiraamka iyo qadarinta si aad ula dhistid xidhiidh fiican oo Ixtraam ku dhisan.

5.Iyadu ha maamusho kulanka:

Ixtiraamka ayaa ah mid muhiim u ah xidhiidhka aad la yeelanayso Soddohdaa sidaas darteed iyada u ogolow in ay maamusho kulankiina ugu horeeya arintaas waxa ay u muujinaysaain aad Ixtiraamayso oo aad ka dambayso waxana ay taasi keenaysaa in ay ku jeclaato.

6.la soco dareenkeeda:

Dareenka ay Soddohdu kuu qabto ayaa ka duwan mid ay u qabto wiilkeeda, Hooyadu waxa ay leedahay xisaabo gaar ah, waxana ay Soddohdaa dareemi kartaa Dareen masayr ah sababta oo ah Wiilkeeda ayaa Guursanaya waxana noloshiida ku soo biiraysa gabadh aan iyada ahayn sidaas darteed isku day in aanad in badan diirada saarin xidhiidhka aad la leedahay wiilkeeda inta aad la joogto kaliya u sheeg in aad wiilkeeda jeceshahay waliba iyadana Ixtiraamto una balan qaadid in ay ka seexato xidhiidhkoda.

Source link