Home Arimaha Bulshada Ma Doonaysaa In Aad Guursatid Gabadh Qurux Badan, Hadaba Ninow Haatan Ka...

Ma Doonaysaa In Aad Guursatid Gabadh Qurux Badan, Hadaba Ninow Haatan Ka Laabo Go’aankaas Hadii Aad Noloshaada Doonaysid, Ma Ahan Mid U Fiican Noloshaada


Marna Maka fikirtay Ninow in Guurka aad guurato Gabadh qurux badan ay soo gaabin karto noloshaada waliba ay sabab u noqon karto in ay kugu dhacaan xanuuno Badan.

Sida lagu ogaaday daraasad la soo saaray Quruxda Gabadha ayaa noqon karta doorka uu Ninku go’aan ugu gaadho in uu Guursado Gabadha laakiin arintaas waa in aad haatan dib uga fikirtid.

Sida laga soo xigtay daraasadda joogitaanka Ninka gabadh qurux badan xitaa Muddo 5 daqiiqo ah waxa ay kicisaa hoormoonka cortisol ee ninka, taasoo keeni karta xanuunada ku dhaca wadnaha, macaanka iyo dhiig karka.

Inkasta oo Nolosha iyo dhimashada Illahay hayo hadana waxa daraasad cilmi baadhis ah lagu ogaaday in 14 ka mid cel-celis ahaan 20% Ragga Qaba dumarka quruxda badan ay noloshooda waayeen ama ay ku dheceen xanuuno.

Daraasada ayaa la sheegay in 80% Ragga qaba dumarka quruxda badan ay la il daranyihiin quruxda xaaskooda waliba qaadaan culays badan taas oo keenta in ay qaadaan xanuunada kaal duwan ee sida dhiig-karka, wano-xanuunka iyo wax la mid ah.

Source link