Home Ciyaaraha Ma Ahan Ben White, Martin Keown Oo Arsenal U Tilmaamay Laba Daafac...

Ma Ahan Ben White, Martin Keown Oo Arsenal U Tilmaamay Laba Daafac O Ay Ahayd In Ay U Dhaqaaqaan. – Banaadirsom

Halyeeyga Arsenal Martin Keown ayaa su’aal galiyay qorshihii ay kooxdiisii hore kula soo saxiixatay daafaca dhexe ee Ben White kadib markii uu arkay xiddiga 50 milyan ku fadhiya oo ku dhibaatooday kulankii ay Gunners guuldaradu kala kulantay Brentford.

Daafaca dhexe ayaa ku dhibaatooday kulankiisii ugu horeeyay ee uu ku bilowday Arsenal isaga oo u awood waayay in uu joojiyo xiddiga weerarka uga ciyaara Brentford ee Ivan Toney.

Keown ayaa rajaynaya in qaab ciyaareedka xun ee Ben White in uu is badali doono waliba soo bandhigi doono qaab ciyaareed fiican laakiin waxa uu sheegay in uu hogaamiyo ka maqan yahay daafaca dhexe ee Arsenal.

Kooxaha Liverpool iyo Man United ayaa daafacooda ku xoojiyay xiddiga Ibrahima Konate iyo Raphael Varane, laakiin Keown ayaa rumaysan in ay jiraan daafacyo jaban oo ku biiray kooxaha Leciester City iyo Crystal Palace.

Wuxuu u sheegay Stadium Astro: ‘Waxa Arsenal u baahan tahay waa dad difaaci kara. hadii aad eegto suuqa Vestergaard waa la helay karay, waxana uu ku biiray Leicester City waana xiddig dheer oo ku fiican difaacashada kubadaha madaxa ah, la soo saxiixashada xiddigaha fiican ayaa muhiim ah”.

“Sidoo kale waxa jiray difaacyo kale oo la heli karo, Ben White wali waxa uu noqon karaa daafac fiican laakiin waxa ay ahayd in ay u dhaqaaqaan saxiixa Andersen oo ku biiray Crystal Palace”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Raggu Ma Jecelyihiin Gabadha Jacaylkeeda U Soo Bandhigta?

Source link