Home Ciyaaraha Luis Suarez Oo Ka Soo Muuqday Soo Bandhigista Liverpool Ee Maaliyadeeda 2-aad...

Luis Suarez Oo Ka Soo Muuqday Soo Bandhigista Liverpool Ee Maaliyadeeda 2-aad Ee Xilli Ciyaareedka Dambe, Qaab Nooceed Ah? – banaadirsom

banaadirsom Liverpool ayaa maanta soo bandhigtay maaliyadeeda martida ee xilli ciyaareedka cusub iyada oo ay xiddigaha kooxdu galeen sawiro ay xidhanyihiin maaliyada banaadirsom ee xilli ciyaareedka cusub.

Laakiin waxa ka soo muuqday badhiga maaliyada xiddigii hore ee banaadirsom Liverpool ee Luis Suarez iyada oo la isla dhexmarayo baraha bulshada sawir xiddiga Luis Suarez ah.

Suarez ayaa ka tagay Liverpool xagaagii 2014 waxana uu haatan u ciyaaraa banaadirsom Atletico Madrid oo uu kula guulaystay horyaalka La Liga xilli ciyaareedka dambe.

Waxa la helay sawir lagu arkay magaca iyo waliba maaliyada Suarez ee No.7 xilli ay xiddigaha kooxdu galayeen sawirada maaliyada cusub ee xilli ciyaareedka dambe.

Sawirkan ayay u badantahay in uu qaab khalad ah uga soo muuqday meesha maadama uuna xiddigu u ciyaarin Liverpool inkasta oo lala xidhiidhinayay maalmihii la soo dhaafay.

Image

Source link