Home Ciyaaraha Livrerpool Oo Garaacday Crystal Palace, Arsenal Guushii 2-aad Ka Gaadhay Burnley &...

Livrerpool Oo Garaacday Crystal Palace, Arsenal Guushii 2-aad Ka Gaadhay Burnley & Man City Oo Ku Hor Kuftay Southampton. – Banaadirsom

Kooxda Liverpool ayaa sii wada guulaha premier League waxana ay markan garaaceen kooxda Crystal Palace kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa todobaadkii 5-aad ee horyaalka premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid hal dhinac ah iyada oo Liverpool wax walba ka samaysay ciyaarta xilli ay Crystal Palace ciyaaraysay qaab difaac ah sidoo kale weeraro rogaal celis ah ciyaaraysay.

Liverpool ayaa heshay fursado wax ku ool ah oo ay ku qaban kartay hogaanka ciyaarta laakiin waxa ay ku dhibaatootay goolka hortiisa iyaga oo iska khasaariyay fursado waali ah oo aan la rumaysan karin.

Daqiiqadii 43-aad ayay liverpool dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Sadio Mane kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay ku hogaaminayaan ciyaarta kooxdiisu.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Liverpool dhalisay gool diriqi ah kuna hor dhibaatootay goolka hortiisa inkasta oo ay heleen fursado fiican.

Qaybtii dambe ayay Liverpool ahayd kooxda fiican waxana ay sii wadeen raadinta goolal kale xilli ay Crystal Palace mararka qaar iska caabin kala hor tagaysay.

Daqiiqadii 78-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Liverpool ku hogaaminayso ciyaarta.

Liverpool ayaa sii waday dadaalka iyaga oo daquuqadii 82-aad dhaliyay goolka 3-aad ee ciyaarta oo uu u dhaliyay xiddiga Naby Keita kaas oo ciyaarta ka dhiga 3/0.`

_______________________________________________________________________________________________________

Kooxda Arsenal ayaa iyadu guusheedii 2-aad oo xidhiidh ah gaadhay xilli ciyaareedka iyaga oo guul 1/0 ah ka gaadhay kooxda Burnley kulan xiiso lahaa

Arsenal ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Burnley iyaga oo sidaas ku gaadhay guul muhiim u ah kooxda Mikel Arteta.

_______________________________________________________________________________________________________

Dhanka kale kooxda Man City ayaa bar-baro gool la’aan ah ku dhaafi wayday kooxda Southampton kulan ay kooxda Mikel Arteta si aad ah u dhibaatootay.

Sii Akhriso: Qaabkee Ayaad Gabadha U Waydiisan Kartaa Numberkeeda Marka Aad Aragtida Ugu Horaysa Kaga Heshay

Source link