Home Ciyaaraha Liverpool Vs Burnley , Kooxda Martida Rikoor Ayay Ku Dhigi Karaan Guul...

Liverpool Vs Burnley , Kooxda Martida Rikoor Ayay Ku Dhigi Karaan Guul Ay Ka Gaaraan Reds – Banaadirsom

Liverpooo ayaa raadineysa guul ay ka gaaraan Burnley oo ay kaga sareeyen natiijada kulamadii hore , waxa ayan cagtii hore ee wareegga koowaad ka soo badiyeen Norwich City oo ay ku garaaceen sedex gool

Xogta Kulanka

* Liverpool iyo Burnley ayaa horay ugu kulmay horyaalkaa Ingiriiska muddo 15 jeer ah .

*Haddii Burnley guul dareystaan kulankaan , waxa uu u noqonayaa koodii 10-aad oo hal koox PL ah kala kulmaan .

* Waa markii ugu dheereyd oo Liverpool bilaa guul darro ka ahaadaan horyaalka , 11 jeer ayay sidaas sameeyeen , waa ayna badiyeen si isku xigta 6-dii kulan ee ugu dambeeysay horyaalka
* Liverpool 11 -kaas kulan waxa ay ka badiyeen 9 jeer halka labana ay galeen bar bar dhac

* Guul-dardii xilli ciyaareedkii hore ee Liverpool garoonkooda kaga qaabileen Burnley waxa uu soo afjaray 68 kulan oo ay bilaa guul darro ahaayeen horyaalka waliba qalcadda Anfield

* Burnley oo laba jeer isku xigta Liverpool ku garaacda Anfeild waxa uu ugu dambeeysay xili ciyaareedyadii 1894/95 iyo 1896/97.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Imis Jeer Ayay Lamaanaha Dhawaan Is Guursaday Ku Kulmi Karaan Sariirta?

Source link