Home Ciyaaraha Liverpool Oo Ugu Dambayn Go’aansatay Xiddiga Ay U Dhaqaaqayso Badalka Georginio Wijnaldum...

Liverpool Oo Ugu Dambayn Go’aansatay Xiddiga Ay U Dhaqaaqayso Badalka Georginio Wijnaldum – Banaadirsom

Banaadirsom Liverpool ayaa bilaabaysa in ay soo gaba-gabayso saxiixa xiddiga ay u doonayso badalka Georginio Wijnaldum iyada oo Reds doonaysa xiddig khadka dhexe ah ka ciyaara kaas oo ay ku buuxiso booska Georginio Wijnaldum.

Liverpool ayaa dareenkooda u jeedisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Guido Rodriguez kaas oo ay u doonayso badalka tooska ah ee xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum.

Xiddiga Guido Rodriguez ayaa lagu heli karaa kaliya lacag dhan 25 milyan oo euro inkasta oo uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Banaadirsom Real Betis xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Laakiin kadib markii ay Liverpool wayday saxixia xiddiga Wijnaldum, Reds ayaa suuqa ugu jirta saxiixa xiddig jaban oo lagu hel karo si ay ugu xoojiso khadka dhexe suuqa xagaagan.

Wargayska La Razon ayaa sheegaya in ay in ay Liverpool haatan u dhaqaaqayso saxiixa xiddiga reer Argentine kaas oo xulka qarankiisa kula guulaystay koobkii Copa America sanadkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 5 Arin Oo Hadii Uu Ninku U Sameeyo Gabadha Ayna Waligeed Ku Iloobin Ninkaas

Source link