Home Ciyaaraha Liverpool Oo Ogolaatay Saxiixa Paul Pogba Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay. –...

Liverpool Oo Ogolaatay Saxiixa Paul Pogba Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay. – Banaadirsom

Banaadirsom Liverpool ayaa loo soo bandhigay fursad ay Paul Pogba ugala soo wareegi karto Manchester United xagaagan, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya France.

Xiddiga reer France ayuu hal sano ka dhimanyahay heshiiskiisa Banaadirsom Man United walina ma ogolaan in uu heshiis cusub u saxiixo Banaadirsom Man United.

Banaadirsom Man United ayaa haatan ku qasban in ay go’aamiso in ay iska iibiso xiddiga Paul Pogba suuqa xagaagan ama ay qaab xor ah ku waydo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Banaadirsom PSG ayaa wadahadalo Rasmi ah la furtay wakiilka xiddiga Paul Pogba iyaga oo doonaya in ay helaan saxiixiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Laakiin sida laga soo xigtay Le10 Sport, wakiilka Pogba, Mino Raiola, ayaa la xiriiray Liverpool isaga oo u soo bandhigay saxiixa xiddiga reer France inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Liverpool wakiilka xiddiga u sheegtay in ayna haatan diyaar u ahayn in ay u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga reer France.

Laakiin Liverpool ayaa Mino Raiola u sheegtay in ay saxiixa xiddiga u dhaqaaqi karaan marka la gaadho suuqa Janaury ee sanadka dambe markaas oo ay 6 bilood ka dhimanaan doonto heshiiskiisa Man United.

Tababaraha Liverpool  ee Klopp oo taageero u ah xiddiga reer France ayaa doonaya in uu xiddiga qaab xor ah ugu dhaqaaqo xagaaga dambe waliba heshiis la sii meel dhigo marka la gaadho suuqa January

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Uu Gacaliyahaagu Maalin Walba Kuu Qaado Jacayl Ka Weyn Midkii Hore, 5-tan Kalmad Adeegso Mar Kasta, Indhihiisa Ayuu Kaa Jeclaanayaa.

Source link