Home Ciyaaraha Liverpool Oo Mohamed Salah U Diiday In Uu Aad Waajibaadka Xulka Qarankiisa....

Liverpool Oo Mohamed Salah U Diiday In Uu Aad Waajibaadka Xulka Qarankiisa. – Banaadirsom

Koxda Liverpool ayaa fariin u dirtay maamulka Qaranka Egypt iyaga oo u sheegay in uuna xiddigu ka qayb gali doonin kulamada fasaxa xulalka ee dhamaadka bishan sabab la xidhiidha in uu xiddigu gali doono karantiil 2 todobaad ah kadib markii uu dhamaysto waajibaadka xulka qarankiisa.

Xulka Egypt ayaa bilaaban doona tababarkooda kulamada is diyaarinta kulamada is reeb-reebka koobka adduunka 28 bishan Augut ee socota iyaga oo socon doona ilaa 5 bisha September iyaga oo ciyaari doona laba kulan oo ka tirsan is reeb-reebka koobka adduunka.

Xidhiidhka kubada cagta adduunka ee FIFA ayaa kooxaha ogolaansho u siiyay in ay diidi karaan in ay diraan xiddigohooda waajibaadka xulalkooda sabab la xidhiidha xaalada xanuunka Koroan ee ka jirta adduunka.

Sidaas darteed Liverpool ayaa xidhiidhka kubada cagta Egypt u sheegtay in uuna Mohamed Salah aadi doonin kulamada xulkiisa bishan maadama ayna doonayn in ay waayaan kulamo muhiim ah xiddiga.

Dhanka kale waxa xusid mudan in ay Liverpool go’aan la mid ah midkaas ka qaadatay xiddigo badan oo ka tirsan kooxdeeda waliba aan u ogolaan doonin in ay aadaan waajibaadka xulalkooda.

Sii Akhriso: Marxaladaha Uu Maro Xiriirka jaceyl Ee dhabta ah, Inta Badan Marxalada 3-aad Ma Dhaafaan

Source link