Home Ciyaaraha Liverpool Oo Loo Saadaaliyay In Ay Ku Guulaysato Saxiixa Erling Haaland –...

Liverpool Oo Loo Saadaaliyay In Ay Ku Guulaysato Saxiixa Erling Haaland – Banaadirsom

Erling Haaland waa mid ka mid ah xiddigaha loogu doon doonista badan yahay Yurub, Liverpool ayaana ka mid ah kooxdii ugu dambaysay ee lala xidhiidhinayo weeraryahanka.

Xiddigii hore ee Borussia Dortmund Michael Rummenigge ayaa sheegay in Liverpool ay noqon karto meesha uu Haaland ka dagi karo Xagaaga dambe ee 2022.

Xiddiga Erling Haaland ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxaha Ugu waaweyn iyada oo lala xidhiidhinayo kooxaha Barcelona, Real Madrid, Man United, Man City iyo chelsea kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga.

Rummenigge, oo shan sano ku qaatay Dortmund, ayaa u sheegay Sport1: ‘Waa inaan sugnaa oo aragnaa halka uu aado xilli ciyaareedkan ka dib.

“Real iyo Barca waxaa haysta dhibaatooyin dhaqaale sidaa darteed waxaan qiyaasi karaa inuu u dhaqaaqayo England. Aabihiis ayaa isna halkaas ku ciyaari jiray. Waxaan si fiican u qiyaasi karaa Liverpool Haaland. ‘

Source link