Home Ciyaaraha Liverpool Oo Heshiis Wakhti Fog Ah Ka Saxiixatay Andy Robertson – Banaadirsom

Liverpool Oo Heshiis Wakhti Fog Ah Ka Saxiixatay Andy Robertson – Banaadirsom

Kooxda Liverpool ayaa sii wada heshiis kordhintii ay waday todobaadyadii ugu dambeeyay iyaga oo heshiis cusub ka saxiixday xiddiga daafaca Bidix ka ciyaara ee Andy Robertson.

Daafaca dehxe ayaa maanta qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo uu ku sii joogi doono kooxda Liverpool kadib markii uu qalinka iyo warqada is dul dhigay.

Xiddiga Andy Robertson ayaa noqday xiddigii 5-aad ee kooxda Liverpool qalinka ugu duuga heshiis cusub oo wakhti fog ah kadib markii ay horay heshiisyo cusub u saxiixeen kooxda xiddigaha Trent Alexander-Arnold, Fabinho, Alisson Becker & Virgil van Dijk.

Roberton ayaa kooxda Liverpool ka noqday xiddig muhiim ah tan ilaa markii uu ku soo biiray sanadkii 2017 isaga oo kooxda kula guulaystay koobab muhiim ah intii uu joogay.

Sii Akhriso: Sifooyinka Uu Ninku Ku Jecelyahay Gabadha Laakiin Keeni Karta In Uu Wakhti Dambe Ka Fogaado.

Source link