Home Ciyaaraha Liverpool Oo Guuldaro Ku Soo Dhawaysay Van Dijk & Gomez, Hertha Berlin...

Liverpool Oo Guuldaro Ku Soo Dhawaysay Van Dijk & Gomez, Hertha Berlin Ayaa Garaacday – banaadirsom

banaadirsom Liverpool ayaa guuldaro weyn kala kulantay banaadirsom Hertha Berlin kulan ka tirsanaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee wiilasha Jurgen Klopp.

Kulanka ayaa waxa soo laabtay xiddiga Virgil Van Dijk oo muddo 9 bilood ah dhaawac uga maqnaa garoomada halka uu sidoo kale Joe Gomez ku soo laabtay shaxda Liverpool.

Tababare Klopp ayaa laba shaxood ku kala ciyaaray xlli uu 20-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay ciyaarsiiyay xiddigaha daafaca fog ka soo laabtay ee Van Dijk iyo Gomez.

Xiddiga Steven Jovetic ayaa Liverpool ka dhaliyay 2 gool daqiiqadihii 66-aad iyo 80-aad halka ay xiddigaha Santiago Ascaribar iyo Saut serdar u kala dhaliyeen labada gool.

banaadirsom Liverpool xiddigaha Sadio Mane, Tukami Minamino iyo Alex Oxlade-Chambaerlain ayaa u dhaliyay goolasha iyaga oo guuldaro la kulmay kulankoodii ugu horeeyay ee kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Warka fiican ee Liverpool ayaa ahaa in uu Van Dijk u muuqday mid taam ah waliba laf dhabar u noqon doona kooxdiisa xilli ciyaareedka cusub tartamada kala duwan ee xilli ciyaareedka.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Uu Jacaylkaagu Waligiis Jiro Oo Aad Is Jeclaataan Inta Aad Adduunka Joogtaan, 8-dan Sir Ayaa Ku Caawin karta.

Source link