Home Ciyaaraha Liverpool Oo Garaacday Osasuna Kulankoodii Ugu Dambeeyay Ee Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka...

Liverpool Oo Garaacday Osasuna Kulankoodii Ugu Dambeeyay Ee Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub. – Banaadirsom

Banaadirsom Liverpool ayaa guul weyn ku soo xidhatay Kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyaga oo garaacay Banaadirsom Osasuna kulan ka dhacay Anfield.

Klopp ayaa ku soo galay shax ka duwan shaxdii kulankii xalay isaga oo tijaabinaya xiddigaha kooxdiisa ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Liverpool ayaa daqiiqadii 14-aad heshay goolka 1-aad kadib markii uu xiddiga Osasuna ee Jesus Areso Blanco si khaldan goolkiisa uga dhaliyay gool kubad uu Minamino laaday.

Reds ayaa siiw aday qaab ciyaareedka fiican ee kooxdiisa iyaga raadinayay in ay sii dheeraystaan hogaanka ciyaarta xilli ayna difaaca Liverpool la kulmin halis adag.

Daqiiqadii 24-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xididga Roberto Firmino kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 2/0.

Ka hor intii ayna qaybta hore ee ciyaartu dhamaan ayay Liverpool dhalisay gool kale gaar ahaan daqiqiadii 41-aad waxana u dhaliyay xiddiga Roberto Firmino kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Qaybtii dambe ayay Osasuna dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Kike kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1 ay Wali Liverpool ku hogaaminayso ciyaarta.

Sii Akhriso: Hadii Aad 12-Kan Calaamad Ka Heshid Fariimaha Qofka Aad Jeceshahay Waxa Ay La Mid Tahay In Uu Qofkaasna Ku Jecelyahay.

Source link