Home Ciyaaraha Liverpool Oo Diyaarinaysa Dalab Rasmi Ah Oo Ay Ku Doonayso Xiddig Wacdaro...

Liverpool Oo Diyaarinaysa Dalab Rasmi Ah Oo Ay Ku Doonayso Xiddig Wacdaro Ka Dhigay Euro 2020. – banaadirsom

Wararka ka imanaya Italy ayaa sheegaya in ay banaadirsom Liverpool rabitaan xoogan u qabto helitaanka saxiixa xiddiga khadka dhexe ee banaadirsom Inter Milan ee Nicolò Barella Si ay ugu xoojiso khadka dhexe.

Liverpool ayaa suuqa ugu jirta saxiixa xiddig khadka dhexe ah kadib markii ay wayday xiddiga Georginio Wijnaldum kaas oo qaab xor ah uga tagay banaadirsom kuna biiray banaadirsom PSG markii uu dhacay heshiiskiisu.

Sida laga soo xigtay wargeyska La Repubblica, waxa jira xiiso weyn oo ay Liverpool u qabto saxixia xiddiga khadka dhexe ee Nicola Barella kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay tartanka euro 2020.

Nicola Barella ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay xulka qarankiisa Italy oo ku guulaystay Euro 2020 waxana uu sidoo kale caawiyay 2 gool halka uu dhaliyay hal gool Semi-final-kii kulankii Belguim.

Wargayska ayaa sheegaya in ay Liverpool ay isku diyaarineyso in ay Barella ka gudbiso dalab lacageed oo dhan 60 milyan o euro si ay u hesho xiddiga 24 jirka ah.

Source link