Home Ciyaaraha Liverpool Oo Diyaarinaysa Dalab Rasmi Ah Oo Ay Ka Gudbinayso Xiddig U...

Liverpool Oo Diyaarinaysa Dalab Rasmi Ah Oo Ay Ka Gudbinayso Xiddig U Ciyaara Atletico Madrid. – banaadirsom

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay hogaamineyso Tartanka loogu saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Atletico Madrid Saul Niguez.

Heshiiska xiddiga reer Spain ee Atletico Madrid ayaa dhici doona ilaa xagaaga 2026 laakiin xiddiga ayaa ku dhibaatooday in uu si joogto ah ugu ciyaara banaadirsom xilli ciyaareedkii hore taas oo keentay in ay Atletico Madrid diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga.

Kooxaha Man United iyo Chelsea ayaa muddo dheer lala xidhiidhinayay saxixia Saul kaas oo laga reebay Liiska xulka qaranka Spain ee ka qayb galay tartanka Euro 2020.

Si kasta ha ahaatee wargayska AS ayaa sheegaya in ay Liverpool haatan hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Atletico Madrid iyaga oo ku heli kara lacag aad u hoosaysa.

Wararka ayaa sheegaya in ay Atletico Madrid diyaar u tahay in ay aqbasho dalab dhan 35 milyan oo euro si ay u iibiso xiddiga reer Spain inkasta oo heshiiskiisa lagu bur-burinayo lacag dhan 128 milyan.

Source link