Liverpool Oo Dalab Waali Ah Ka Gudbinaysa Xiddig U Ciyaara Real Madrid, Badalkan Salah & Mustaqbalka Fog Ayay U Aragtaa. – Banaadirsom

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarinayso dalab dhan 80 milyan oo euro oo ay ay ku doonayso xiddiga kooxda Real Madrid ee Rodrygo iyada oo xiddiga doonayso in ay ka dhigto saxiixeeda ugu horeeay ee suuqa January.

20-sano jirkaan ayaa si joogto ah ugu ciyaara Los Blancos xilli ciyaareedkan isagoo u saftay 19 kulan tartamada oo dhan isla markaas dhaliyay 2 gool 3 kalena caawiye ka noqday.

Xiddiga reer Brazil ayay 3 sano iyo badh uga dhamintahay heshiiskiis Real Madrid laakiin El Nacional ayaa sheegtay in ay Liverpool u calaamadsatay bartilmaameedkeeda 1-aad.

Warara ayaa sheegaya in Liverpool xagaagii laga diiday lacag dhan 60 milyan oo euro Si ay u hesho saxiixa xiddiga.

Laakiin Reds ayaa haatan diyaarinaysa dalab lacageed oo dhan 80 milyan si ay u keento xiddiga Anfield bilowga sanadka 2022 si uu Klopp ugu xoojiyo weerarkiisa.


Source link