Home Ciyaaraha Liverpool Oo Dalab 100 Milyan Ah Ka Gudbisay Xiddig Juventus Ah &...

Liverpool Oo Dalab 100 Milyan Ah Ka Gudbisay Xiddig Juventus Ah & Jawaabtay Ay Heshay Oo La Ogaaday. – banaadirsom

banaadirsom Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab lama filaan ah oo aad u sareeya ka gudbisay xiddiga banaadirsom Juventus ee Federico Chiesa si ay u hesho xiddiga inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga Federico Chiesa ayaa soo jiitay indhaha Jurgen Klopp kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tartankii euro 2020 waliba xulkiisa ka caawiyay ku guulaysiga koobka.

Wargayska Repubblica ayaa sheegaya in ay banaadirsom Liverpool dalab aad u sareeya ka gudbisay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Juventus si ay u helaan inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Liverpool ayaa Juventus miiska u saartay dalab lacageed oo dhan 100 milyan oo euro si ay u helaan saxiixa xiddiga Federico Chiesa uguna xoojiyaan weerarkooda xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin banaadirsom Juventus ayaa diiday dalabkaas iyaga oo Liverpool u sheegay in uuna xiddiga reer Italy iib ahayn inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan maadama uu ka mid yahay qorshaha tababare Allegri.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Tahay In Aad Ka Fogaato Nininow, Mida 4-aad Ayaa Ugu Halis Badan.

Source link