Home Ciyaaraha Liverpool Oo Dagsatay Qorshe Ay Ku Helayso Saxiixa Saúl Ñíguez – banaadirsom

Liverpool Oo Dagsatay Qorshe Ay Ku Helayso Saxiixa Saúl Ñíguez – banaadirsom

Wararka ka imanaya dalka England ayaa shaaca ka qaaday in ay banaadirsom Liverpool diyaarinayso qorshe ay ku doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee banaadirsom Atletico Madrid ee Saúl Ñíguez inta lagu jiro suuqa xagaaga.

Xiddiga Saúl Ñíguez ayaa lala xidhiidhinayaa banaadirsom Liverpool todobaadyadii ugu dambeeyay iyada oo kooxdu suuqa ugu jirto saxiixa badalka Gini Wijnaldum kaas oo ka tagay banaadirsom Liverpool.

Wargayska Daily Express ayaa sheegaya in ay Liverpool diyaar la tahay in ay Atletico Madrid u soo bandhigto laba xiddig oo kooxdeeda ka mid ah si ay u hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Saúl Ñíguez.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Liverpool diyaar u tahay in ay Atletico Madrid miiska u saarto xiddigaha Xherdan Shaqiri iyo Divock Origi sidoo kale bixiso lacag kaash ah si ay u hesho xiddiga Saul xagaagan.

Sual ayaa dhankiisa la filayaa in uu isaga tago banaadirsom Atletico Madrid suuqa xagaagan iyada oo ay kooxdiisu doonayso in ay iska iibiso xiddiga inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Source link