Home Ciyaaraha Liverpool Oo Bar-Baro Ku Bilaabatay Kulamada Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub –...

Liverpool Oo Bar-Baro Ku Bilaabatay Kulamada Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub – banaadirsom

banaadirsom Liverpool aya bar-baro ku bilaabatay kulankeedii ugu horeeyay ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub xilli uu Klopp kooxdiisa hogaamiyay kulankiisii ugu horeeyay.

Kulanka ayaa ahaa mid ay laba koox oo kala duwan la ciyaartay min 30 daqiiqo si ay u tijaabiso taam ahaanshohooda kadib dhawr todobaad oo ay tababar buuxa qaateen.

Saxiixa cusub ee Ibarahima Konate ayaa ciyaaray daqiiqadihiisii ugu horeeyay ee maaliyada Liverpool tan ilaa markii uu ku soo biiray banaadirsom Liverpool.

Tababare Klopp ayaa laba shaxdood oo aad u kala duwan ku soo galay labada kulan ee min 30-ka daqiiqo ah isaa oo ciyaartii hore ku soo galay xiddigo da’yar u badan.

Ciyaartii dambe ayuu ku soo galay shax waaweyn u badan waxana ay labada kulan oo min 30 daqiiqo la ciyaaray ku dhamaadeen bar-bar min 1/1 ah.

Hadaba Halkan Hoose Ka Daawo goolashii labada kulan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 3 Ficil Oo Uu Ninku Si kama’ ah U Sameeyo Oo Ay Gabadhu Ku Jeclaato Isaga Oo Aan Ogayn.

Source link