Home Ciyaaraha Liverpool Oo Bar-Bar Kala Kulantay Athletico Bilbao – Banaadirsom

Liverpool Oo Bar-Bar Kala Kulantay Athletico Bilbao – Banaadirsom

Banaadirsom Liverpool ayaa bar-baro la gashay Banaadirsom Athletic Bilbao kulan saaxiibtinimo ahaa oo ka dhacay Anfield kana tirsanaa kulamada isku diyaarinta Reds ee xilli ciyaareedka cusub.

Liverpool oo dib u heshay 75 kun oo Taageerayaasheeda ah ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah iyaga oo ka awood badnaa Banaadirsom Athletic Bilbao kuwaas oo qaab difaac ah ku bilowday.

Daqiiqadii 13-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Diogo Jota kaas oo furtay akoonkiisa goolasha ee Banaadirsom Liverpool.

Liverpool ayaa heshay fursado aad u badan oo ku dili kareen ciyaarta laakiin Reds ayaan ka faa’iidaysan fursadihii ay heleen.

Qaybtii dambe ayay Athletic Bilbao dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu daqiiqadii 53-aad u dhaliyay xiddiga Alejandrod Berenguer Remiro kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool bar-baro 1/1 ah la gashay Athletic Bilbao kulan xiiso lahaa oo ay labada kooxood si fiican u ciyaareen.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 6 Sabab Oo Ay Gabadhu Uga Boodo Ninka Kulanka Ugu Horeeya, Iska Ilaali Ninow In Aad Ku Dhacdid

Source link