Home Ciyaaraha Liverpool Oo Badisay Laba Kulan Oo Xidhiidh Ah Oo Ay Ciyaartay –...

Liverpool Oo Badisay Laba Kulan Oo Xidhiidh Ah Oo Ay Ciyaartay – Banaadirsom

Banaadirsom Liverpool ayaa sii waday kulamadeeda isku diyaarinta xilli ciyaareedka iyada oo ciyaartay laba kulan oo min 60 daqiiqo ah lana ciyaartay Banaadirsom Serie A-da ee Bologna.

Liverpool ayaa labada ciyaarood ku kala ciyaartay laba shaxdood iyada oo uu Jurgen Klopp fursad siiyay dhamaan xiddigaha la jooga ee tababarka kala qayb qaadanayay todobaadyadii ugu dambeeyay.

Ciyaarta hore Liverpool ayaa ku badisay 2/0 iyada oo ay laabda gool u dhaliyeen xiddigaha Diogo Jota iyo Sadio Mane iyada oo uu Xiddiga Virgil Van Dijk ciyaaray 43 daqiiqo.

Tababare Jurgen Klopp ayaa shax ka duwan shaxdii hore ku bilaabay 60-kii daqiiqo ee dambe iyada oo uu goolka guusha u dhaliyay xiddiga Tukami Minamino kaas oo kooxdiisa ku hogaamiyay guul 2-aad.

Liverpool ayaa haatan ku laaban doona England si ay halkaas ugu sii wado isku diyaarinteeda xilli ciyaareedka cusub oo ay muddo yar inaga xigto.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ay Gabadh Walba Ka Raadiso Ninka Ka Hor Guurka, Hadii Aad Sifooyinkan Leedahay Waad Helaysaa Gabadh Nolosha Kula Wadaagta.

Source link