Home Ciyaaraha Lionel Messi Oo Ku Soo Laabtay Barcelona Si Uu Heshiis Cusub Ugu...

Lionel Messi Oo Ku Soo Laabtay Barcelona Si Uu Heshiis Cusub Ugu Saxiixo Banaadirsom – Banaadirsom

Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuu ku soo laabtay Barcelona, ​​iyadoo Xiddiga reer Argentina uu isku diyaarinayo inuu qalinka ku duugo heshiis cusub oo shan sano ah oo uu ku sii joogayo Camp Nou kaasoo uu ku qaadanayo mushahar 250,000 toddobaadkii.

Heshiiskii hore ee xiddiga 34 jirka ah ee Barcelona ayaa dhacay taas oo la macno ah in uu haatan yahay xiddig xor ah iyada oo 2 todobaad ka dhimantahay bilowga xilli ciyaareedka cusub ee La Liga.

Messi ayaa ku maqnaa fasax kadib markii uu xulka Argentine kula guulaystay koobka Copa Amrica laakiin sida laga soo xigtay Sport xiddiga ayaa la filayaa in uu Arbacada ku soo laabto tababarka.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Argentine ogolaaday heshiis cusub oo 5 sano ah oo uu todobaadkii ku qaadan doono lacag dhan 250, 000 taas oo la macno ah in uu 50% hoos u dhigay mushaharkiisa.

Messi ayaa la filayaa in uu todobaadka dambe qalinka ku duugo heshiiska cusub kadib markii uu xiddigu ogolaaday in uu sii joogo Banaadirsom ku ciyaarta Camp Nou.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Uu Gacaliyahaagu Maalin Walba Kuu Qaado Jacayl Ka Weyn Midkii Hore, 5-tan Kalmad Adeegso Mar Kasta, Indhihiisa Ayuu Kaa Jeclaanayaa.

Source link