Home Ciyaaraha Lionel Messi Oo Iska Diiday In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Barcelona...

Lionel Messi Oo Iska Diiday In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Barcelona & Xaalada Oo Meel Xun Maraysa – Banaadirsom

Idaacada RAC1 ayaa qarxisay lam filaan cusub oo ku saabsan heshiis kordhinta Lionel Messi ee kooxd Barcelona.

Shabakada MARCA aya sheegaysa in ay jiraan is badalo ka soo baxay heshiis kordhinta Lionel Messi iyada oo uuna jirin wax heshiis ah oo dhexmaray xiddiga iyo Koxoda Barcelona.

Idaacada RAC1 ayaa haatan sheegaysa in mustaqbalka Lionel Messi ee Banaadirsom Barcelona uu haatan ku jiro khatar weyn.

Isla Idaacada ayaa sheegaysa in uu Lionel Messi diiday heshiiska cusub ee ay kooxdu u soo bandhigtay sabab la xidhiidha in uuna xiddiga reer Argentine wali aaminsanayn in uuna jirin mashruuc ciyaareed oo fiican waliba ay kooxdu ku jirto xaalad dhaqaalexumo ah.

Waxa intaas sii dheer in uuna Lionel Messi haatan ka noqon doonin go’aankiisa waliba uuna saxiixi doonin heshiis cusub maadama ayna cajabin xaalada ay Banaadirsom Barcelona ku jirto.

Heshiiskii Lionel Messi ee Barcelona ayaa dhamaaday bishii June xiddiga ayaana haatan ah xiddig xor ah waliba Banaadirsom uu doonayo ku biiri kara marka uu isagu doonayo.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ay Gabadh Walba Ka Raadiso Ninka Ka Hor Guurka, Hadii Aad Sifooyinkan Leedahay Waad Helaysaa Gabadh Nolosha Kula Wadaagta.

Source link