Home Ciyaaraha Lionel Messi Ayaa Ugu Cad-Cad Ku Guulaysia Ballon d’Or – banaadirsom

Lionel Messi Ayaa Ugu Cad-Cad Ku Guulaysia Ballon d’Or – banaadirsom

Tababaraha banaadirsom Barcelona ee Ronald Koeman ayaa sheegay in uu Lionel Messi yahay xiddiga ugu cad-cad ku guulaysiga abaalmarinta Ballon d’Or sanadkan kadib markii uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay xulkiisa iyo kooxdiisa.

Messi oo haatan ah xiddig xor ah ayaa ku guulaystay abaalmarinta 6 jeer oo hore waana xiddiga ugu badan ee sidaas sameeyo taariikhda kubada cagta.

Xiddiga ayaa mar kale loo saadaalinayaa in uu ku guulaysto abaalmarinta kadib markii uu xulka qarankiisa Argentine kula guulaystay koobka Copa America oo lagu qabtay dalka Brazil.

Inkasta oo uu Copa America kula guulaystay Argentine hadana banaadirsom xiddiga ee Barcelona ayaa qaab ciyaareed xun soo bandhigtay Koeman ayaana rumaysan in goolashii uu u dhaliya xulkiisa iyo banaadirsom Barcelona ay kor u qaadayso ku guulaysiga Messi ee abaalmarinta.

“Aad ayuu muhiim u yahay, marka la eego waxa uu banaadirsom keeno, waa kabtankeena, waa tusaale”ayuu Koeman yidhi.

“Waxa uu mar kale muujiyay in uu yahay xiddiga ugu fiican adduunka, waan ogahay sida uu u doonayay Copa America waxana uu ugu dambayn ku guulaystay koobkaas”.

“Messi waa musharaxa koowaad ee Ballon d’Or ka dib xilli ciyaareed aad u wanaagsan, aniga ahaanna waa kan ugu cadcad”.

Sii Akhriso: Ma Jirtaa In Aad Kala Fogtihiin Qofka Aad Jeceshahay, Ma Doonaysaa In Aad Jacaylkiina Noolaysiin, 6-dan Wad Ayaa Kaa Caawinaysa.

Source link