Home Ciyaaraha Lewandowski, Aubameyang, Coutinho, Mbappe, Laporte, Kounde, Saul & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee...

Lewandowski, Aubameyang, Coutinho, Mbappe, Laporte, Kounde, Saul & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga. – Banaadirsom

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka 2020/2021 waxana ay kooxaha reer yurub bilaabayaan qorshaynta suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha ay doonayaan in ay la soo saxiixdaan inta uu suuqu furanyahay si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.

Kooxaha reer yurub iyo waliba xiddigaha ayaa bilaabaya indha-indhaynta xiddigo iyo kooxo cusub oo ay ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe iyada oo kooxuhu haatan la saxiixan karaan xiddigaha ay doonayaan.

Inkasta oo uu suuqu furmi doono bilowga bisha dambe hadana kooxaha ayaa dhamaystiri kara saxiixyada xiddigaha ay doonayaan maadama uuna jirin horyaal furan oo ay xiddiguhu diirada saari doonaan.

Hadaba waxa aan maalin walba si joogto ah idiinku soo bandhigi doonaa wararka xiddigaha iyo kooxaha kala duwan ee suuqa kala iibsiga.

Xiddiga Jesse Lingard ayaa diyaar u ah in uu ka tago kooxda Man United ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaga ilaa hadii uu dareemo in uu si joogto ah ugu ciyaari doono kooxda Xilli ciyaareedkan (Times).

Kooxda Liverpool ayaa wadahadalo Rasmi ah la furtay Mohamed Salah si ay heshiis cusub uga saxiixato xiddiga 29 jirka ah kana dhigto xiddiga ugu mushaharka badan kooxda (Athletic).

Robert Lewandowski ayaa maamulka Kooxdiisa Bayern Munich u sheegay in uu doonayo u dhaqaaqista horyaalada La Liga ama Premier League xagaagan (Mirror).

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa meesha ka saaray in ay dalab 100 milyan ah ka gudbin doonaan saxiixa xiddiga kooxda Bayern munich ee Robert Lewandowski (Express).

Xiddiga Man City ee Bernardo Silva ayaa iska diiday in uu ku biiro kooxda Arsenal kadib markii ay Gunners dalab ka gudbisay xiddiga (Athletic).

Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay 48 saac kadib dalab Rasmi ah ka gudbiso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara PSG ee Kylian Mbappe (AS).

Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo la furtay kooxda Monaco oo ay ka doonayaan xiddiga khadka dhexe ee Aurelien Tchouameni (Simon Phillips).

Xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay Arsenal waliba doonayo in uu sii joogo Emirates (Express).

Arsenal ayaa diiday dalab ay Barcelona ugus oo bandhigtay saxiixa xiddiga Philippe Coutinho si ay ugu badashaan xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang (The Sun).

Kooxda Man United ayaa liiska xiddigaha ay doonayso ku dartay xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe (ESPN).

Kooxda Man City ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga Aymeric Laporte hadii ay hesho dalab dhan 60 milyan oo euro xagaagan (Mail).

Kooxda Chelsea ayaa kooxaha Man United iyo Liverpool ka hor qaadaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid ee Saul Niguez (Fabrizio Romano).

Kooxda chelsea ayaa isku markii ugu dambaysay isku dayi doonta saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Sevilla ee Jules Kounde (Mirror).

Kooxda Barcelona xiddigaha Philippe Coutinho & Antoine Griezmann ka dalbatay in ay hoos u dhigaan mushaharkooda si ay u sii joogaan kooxda (Mirror).

Sii Akhriso: Sababaha Ay Raggu U Doorbidaan In Ay Xidhiidh La Sameeyaan Gabadhaha Da’da Waaweyn.

Source link