Home Ciyaaraha Lewandowski, Alisson, Varane, Vinicius, Kane, Henderson, Lukaku, Trippier & Wararkii Ugu Dambeeyay...

Lewandowski, Alisson, Varane, Vinicius, Kane, Henderson, Lukaku, Trippier & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga. – banaadirsom

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka 2020/2021 waxana ay kooxaha reer yurub bilaabayaan qorshaynta suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha ay doonayaan in ay la soo saxiixdaan inta uu suuqu furanyahay si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.

Kooxaha reer yurub iyo waliba xiddigaha ayaa bilaabaya indha-indhaynta xiddigo iyo kooxo cusub oo ay ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe iyada oo kooxuhu haatan la saxiixan karaan xiddigaha ay doonayaan.

Inkasta oo uu suuqu furmi doono bilowga bisha dambe hadana kooxaha ayaa dhamaystiri kara saxiixyada xiddigaha ay doonayaan maadama uuna jirin horyaal furan oo ay xiddiguhu diirada saari doonaan.

Hadaba waxa aan maalin walba si joogto ah idiinku soo bandhigi doonaa wararka xiddigaha iyo kooxaha kala duwan ee suuqa kala iibsiga.

banaadirsom chelsea ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara banaadirsom Bayern Munich ee Robert Lewandowski kaas oo ay u arkaan badalka Erling Haaland (Sun).

banaadirsom Liverpool ayaa ku dhaw in ay heshiis cusub ka saxiixato Goolhaye Alisson kaas oo ay heshiis wakhti fog ah ka saxiixanayso (Mirror).

Koxoda Arsenal ayaa doonaysa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Albert Sambi ka hor Salaasada inta ayna u duulin dalka America (Mail).

banaadirsom chelsea ayaa diyaarinaysa in ay Tottenham u soo heshiiska Harry Kane ka qayb dhigto xiddiga Tammy Abraham inta lagu jiro suuqa xagaagan (Sun).

Xiddiga lala xidhiidhinayo Man United ee Kieran Trippier ayaa Magaalada Manchester ka iibsanaya guri uu leeyahay Raheem Sterling (Sun).

banaadirsom Man united ayaa la filayaa in ay dalab Rasmi ah oo dhan 50 milyan ka gudbiso xiddiga Raphael Varan si ay u hesho saxiixa xiddiga (Mail).

Daafaca dhexe ee reer France ayaa dalban doona mushahar aad u sareeya xilli ay chelsea iyo PSG ku biirayaan tartanka saxiixa xiddiga (Marca).

banaadirsom Real Madrid ayaa saxiixa Vinicius Junior u soo bandhigtay banaadirsom Man United xilli ay Los Blancos doonayso in ay uruuriso lacag ay ugu dhaqaaqdo saxiixa Xiddiga Kylain Mbappe (Mirror).

banaadirsom Liverpool ayaa dhankooda ku dhaw in ay heshiis cusub u soo bandhigaan kabtankooda Jordan Henderson kaas oo uu heshiiskiisa haatan dhici doono 2023 (Mirror).

banaadirsom Inter Milan ayaa xaqiijisay in ay doonayaan xiddigaha kooxaha Man United iyo Arsenal ee Hector Bellerin iyo Alex Telles (Goal).

Wakiilka Romelu Lakaku ayaa Albaabka ka xidhay in uu xiddiga reer Belguim ku laaban doono banaadirsom Chelsea xagaagan (FCInterNews).

banaadirsom Liverpool ayaa loo sheegay in ay si deg-deg ah u dhaqaaqdo hadii ay doonayso in ay Borussia Dortmund ku garaacdo saxiixa xiddiga Donyell Malen (Express).

banaadirsom Man United ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga banaadirsom Norwich city ee Max Aarons hadii ay Atletico Madrid diido in ay ka iibiso xiddiga Kieran Trippier (Mirror).

banaadirsom Arsenal ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Aston Villa ee Jack Grealish laakiin Man City ayaa wali hogaaminaysa tartanka (Sun).

Daafaca Liverpool ee Ben Davies ayaa isaga tagi doona Liverpool isaga oo aan hal daqiiqo u ciyaarin banaadirsom (Sun).

banaadirsom Arsenal ayaa dhamaystiri doonta saxiixa xiddiga Houssem Aouar kadib marka ay ku dhawaaqdo saxiixa daafaca dhexe ee Ben White todobaadka dambe (Star).

Xiddiga khadka dhexe ee banaadirsom Aston Villa ee Jack Grealish ayaa la sheegayaa in uu ka fiirsanayo in uu iska diido ku biirista Man City (Mail).

banaadirsom Man United ayaa doonaysa in ay Paul Pogba ku sii haysato banaadirsom tan ilaa inta uu ciyaaraha ka fadhiisanayo (Mirror).

Source link