Home Ciyaaraha Leicester City Oo Man City Ku Garaacday Koobka Community Shield – Banaadirsom

Leicester City Oo Man City Ku Garaacday Koobka Community Shield – Banaadirsom

Banaadirsom Leicter City ayaa Man City ku garaacday koobka Community Shield Kulan xiiso lahaa oo ka dhacay garoonka Wembley kana tirsanaa bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Qaybta hore:

Kulanka ayaa ahaa mid ay labada kooxood ku bilowdeen si dar-dar leh oo isku dheeli tiran waliba mid walba iyagu doonayay in ay ku hor maraan goolka furitaanka xilli ay sidoo kale si fiican u difacanayeen.

Banaadirsom Man City ayaa sidii caadada ahayd maamulaysay dhinaca kubad hasashada xilli ay Leicester City ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah  iyaga oo adeegsanayay orodka Jamie Vardy.

Banaadirsom Leicester City ayaa dhinaca halista goolka iyo fursadaha ay sameeyeen ka fiicnaa Man City iyaga oo dhawr mar ku dhawaaday in ay dhaliyaan goolka furitaanka xitaa mar birta ku dhuftay kubada xitaa Goolhayaha dhaaftay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo ayna labada kooxood wax goolal ah kala dhalin inkasta oo ay labada kooxoodba heleen fursado cajiib ah oo goolal laga dhalin karo.

Qaybta dambe:

Man City ayaa qaybtii dambe laba jibaartay dadaalkooda iyaa oo Leicester City ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn xilli ay doonayeen in ay dhaliyaan goolka furitaanka.

Dhanka kale Leicester City ayaa si fiican difaacooda u adkaystay sidoo kale qaadayay weeraro rogaal celis ah oo ay ku qaadayeen Man City oo ku mashquulsanayd weerarka iyo dhalinta goolka 1-aad.

Man City ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahaayeen goolka xilli ay leicester City ku jireen difaac isla markaasna qaadayay weeraro Rogaal celis ah.

Daqiiqadii 89-aad ayay wax walba is badaleen kadib markii Leicester City loo dhigay rikoodhe kadib markii uu khalad galay xiddiga Ake xilli goolka Man City halis la galiyay.

Xiddiga Kelechi Iheanacho ayaa u istaagay rikoodhada isaga oo gool u badalay hogaankana u dhiibay kooxdiisana u dhiibay hogaanka ciyaarta kana dhigay 1/0 ay ku hogaaminayaan ciyarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Leicester City Banaadirsom Man City ku garaacday Banaadirsom Community Shield sidaasna guuldaro dhabarka ugu saaray Man City.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ninka Quruxda Badan Ee Ayna Dumarku Ka Baxsadaan Xitaa Quruxdiisa, Iska Baadh Sifooyinkaas

Source link