Home Wararka Maanta Layaabka ka dhacay Doorashada aqalka sare Dhuuso mareeb & Lacagta hoolka lagu...

Layaabka ka dhacay Doorashada aqalka sare Dhuuso mareeb & Lacagta hoolka lagu bixinayo





Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka socota Dhuuso mareeb ayaa waxay weji kale uyeeshay doorashooyinkii kale ee kasoo qabsoomay Kismaayo,Garowe iyo Baydhabo.

Sida ilo lagu kalsoon yahay usheegeen Badweytims waxaa jirta in hoolka dhexdiisa lagu kala qaadanayo lacag codka lagu kala iibsanayo.

Senetaro caan ah ayaa tartan u galaya ka mid noqoshada golaha Aqalka sare iyadoo lacago badan ay magaalada gashay maalmihii lasoo dhaafay.

Xogaha la ogaaday ayaa sheegaya qiyaastii 20 Kun dollar xildhibaanada galmudug lasiiyey waxaana intaas dheer xildhibaanada qaar oo ballan qaadyo helay.

Seddexdii Kursi ee ugu horeysay Aqalka sare lagu tartamay Galmudug maanta waxaa ay aheyd lala yaabay markii murashaxiintii ay tanaasuleen,iyadoo dhageey iyo dhag dheer oo Banaadirsom waaya arag katirsanaa ay guuleysteen mar kalena ay ku mataano noqonayaa Aqalka Sare.

 




Source link