Home Wararka Maanta Lataliyaihii Farmaajo ee hore loogu diiday Kismaayo oo maanta halkaas gaaray

Lataliyaihii Farmaajo ee hore loogu diiday Kismaayo oo maanta halkaas gaaray





Diyaarad ka baxday Magaalada Muqdisho maanta ayaa waxa la socday lataliyaha Madaxweyne Farmaajo uqaabilsan dhinaca doorashooyinka Cabdi Cali Raage.

Labo todobaad ka hor Raage ayaa hawada kismaayo mar ay ku dhawaayeen laga soo celiyey dibna loogu soo celiyey Magaalada Muqdisho.

Maamulka Jubbaland ayaa hor istaagay markaas in Raage uu ka dego Kismaayo hayeeshee go’aan maalmo ka hor R/wasaare Rooble soo saaray ayaa qaaday qadkii cagaarnaa ee Magaalooyinka loogu diidayey inay tegaan dadka siyaasad ahaan Farmaajo la safan.

Cabdi Cali Raage oo hore usoo ahaa Lataliyihii siyaasada Axmed Madoobe ayaa waxay isku dhaceen 2019-kii markaas oo doorashadii Jubbaland ay isku qabteen balse Raage oo hadda ah Lataliyaha doorashooyinka ee Farmaajo ayaa raadsaday kursiga beesha Muqaabul Ogaadeen uu ka dhashay.

Waxa uu doonayaa inuu ka mid noqdo Xildhibaanada Cusub Ee Golaha Shacabka Soomaaliya lasoo xulayo deegaan doorashadiisa Jubbaland,hayeeshee Axmed Madoobe ayaa kursigaas la raba C/rashiid Maxamed Xiddig oo hadda ku fadhiya isku reerna yihiin Raage.

Taliska Booliska Jubbaland ayaa Cabdi Cali Raage hore ugu eedeeyey in Kismaayo uu doonayey Hub sharci daro ah inuu ka dejiyo sidaasna diyaaradii uu la socday dhawaan hawada laga celiyey hayeeshee maanta waxa uu gaaray halkaasi.

 




Source link