Home Ciyaaraha Labada Kooxood Oo Iska Hor Iman Doona Markii Ugu Horaysay 74 Sano...

Labada Kooxood Oo Iska Hor Iman Doona Markii Ugu Horaysay 74 Sano Kadib. – Banaadirsom

Banaadirsom Arsenal ayaa marti u noqon doonta Banaadirsom Brentford Kulankii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka cusub premier League kulan ka dhici doona garoonka Brentford Community Stadium.

Arsenal ayaa kulanka soo galaysa in ay si fiican ku bilaabato xilli ciyaareedka cusub iyada oo Mikel Arteta doonayo in uu guul ku hogaamiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka cusub ee premier League.

Dhanka kale Banaadirsom Brentford ku cusub premier League xilli ciyaareedkan ayaa raadinaysa guusheedii ugu horaysay ee heerka 1-aad ee premier League xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Brentford Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Brentford Community Stadium.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kani wuxuu noqon doonaa kulankii ugu horreeyey ee horyaalka ah oo dhexmara Brentford iyo Arsenal tan iyo May 1947, ciyaar ay Gunners ku adkaatay 1-0 oo ka dhacday Garoonka Griffin Park.

Kulanka Brentford Vs Arsenal ayaa noqon doona kulankii 3-aad ee taariikhda premier Lerague la ciyaaro maalin jimce ah 13 bisha iyo midkii ugu horeeyay tan ilaa bishii April sanadkii 2001.

Tani waa markii afaraad oo Arsenal ay ku lug yeelato kulan furitaanka xilli ciyaareedka premier League iyada oo 4 ka badisay kooxaha West Bromwich Albion (2008/09), Leicester City (2017/18) iyo Fulham (2020/21).

Nicolas Pepe ayaa noqon kara ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Arsenal tan iyo Robin van Persie oo dhaliya laba gool saddex kulan oo xiriir ah oo Premier League ah ka dib markii uu laba gool ka dhaliyay labadii kulan ee ugu dambeeyay 2020/21.

Sii Akhriso: Ma Jiraa Qof Aad Jeceshahay Laakiin Aad Khalad Ka Gashay, Ma Doonysaa In Ay Ku Cafiso Ama Uu Ku Cafiyo, Fariintan Cajiibka Ah Ayaa Kaaga Filan

Source link