Home Ciyaaraha Laba Xiddig Oo Muhiim Ah Oo Seegay Tababarka Chelsea Ka Hor Kulanka...

Laba Xiddig Oo Muhiim Ah Oo Seegay Tababarka Chelsea Ka Hor Kulanka Arsenal – Banaadirsom

Chelsea ayaa laga yaabaa in ay waayi doonto adeega laba xiddig oo muhiim ah kulanka Arsenal kadib markii ay xiddigaha N’Golo Kante & Christian Pulisic seegeen tababarkii chelsea ee Salaasadii.

Banaadirsom chelsea ayaa guul ku bilaabatay xilli ciyaareedkooda premier League kadib markii ay 3/0 ku garaaceen Banaadirsom Crystal Palace iyaga oo uu ka maqnaa xiddiga Kante oo dhaawac kuraanta ah ku seegay kulanka.

Thomas Tuchel ayaa rajaynaya in uu xiddigu taam u noqdo kulanka Arsenal kaas oo ah kulankoodii ugu weynaa ee ay la kumayaan kooxaha waaweyn ee horyaalka.

Pulisic ayaa dhankiisa dhaliyay goolka 2-aad kulankii ay garaaceen Crystal Palace laakiin waxa uu dhaawac ka soo gaadhay kulankaas taas oo keenaysa in uu haatan shaki ku jiro taam ahaanshihiisa.

Labada xiddig ayaa seegay tababarkii salaasadii waxana ay wel-wel ku tagay tababare Thomas Tuchel kaas oo doonaya in uu sii wado guulaha horyaalka premier League.

Source link