Home Arimaha Bulshada Kulanka Sariirta: Faa’iidada Ugu Weyn Ee Kulanka Sariirta Oo Daraasad Lagu Ogaaday.

Kulanka Sariirta: Faa’iidada Ugu Weyn Ee Kulanka Sariirta Oo Daraasad Lagu Ogaaday.


Waxay umuuqataa in galmada ay leedahay faa iidooyin kale oo caafimaad oo aan aheyn raaxada ay siiso lamaanaha is qaba, gaar ahaan qofka xanuunsan, waxa la helay daraasad muujinaysa in samaynta kulanka sariirta ay qofka ka caawiso in uu ka bogsado xanuunada haya waliba siiso tamar xoogan.

Daraasada ayaa sidoo kale lagu ogaaday in samaynta kulanka sariirta wax yar kadib marka aad xanuun gaar ah ka caafimaado in ay kordhinayso in aad muddo dheer nolaato.

Isla daraasada ayaa lagu ogaaday in Kulanka sariirtu ka hor tago xanuunada qalbiga ku dhaca taas oo qofka ka caawinaysa in uu helo tayo caafimaad oo buuxda.

Samaynta kulanka sariirta waxa ay la macno tahay dib u soo celinta wixii ka lumay jidhka intii aad xanuunsanayd waxana uu ka caawinayaa lamaanaha is qaba in ay helaan difaac jidh oo xoogan.

Source link