Home Ciyaaraha Kulanka Kala Baxa Ah Ee Horyaalka Somali Premier League Oo Maanta La...

Kulanka Kala Baxa Ah Ee Horyaalka Somali Premier League Oo Maanta La Ciyaari Doono. – Banaadirsom

Kooxaha Horseed iyo Mogidhu City Club ayaa maanta isaga hor iman doona garoonka ENG. Yariisow Stadium kulan kala bax ah oo ay labada kooxood ku kala bixi doonaan horyaalka Samali Premier League.

Labada kooxood ayaa kulanka soo gali doona iyaga oo wacdaro soo bandhigay horyaalka xilli ciyaareedkan mid walbana doonayso in ay ku guulaysato horyaalka Somaliya xilli ciyaareedkan.

Labada kooxood ayaa isku dhibco ah kadib 18 kulan oo ay ciyaareen horyaalka Somali premier League waliba isha ku haya ku guulaysiga horyaalka xilli ciyaareedkan.

Banaadirsom Horseed ayaa halka gool dhalinta ku horaysa laakiin labada kooxood ayaa wada leh min 38 dhibcood taas oo la macno ah in ay labada kooxood ciyaari doonaan kulan kama dambays ah oo ay ku kala baxaan.

Maanta waxa la ogaan doonaa midkooda ku guulaysta horyaalka Somali Premier League iyada oo kulanka si weyn loo sugayo dhamaan dadka Somaliyeed ee xiiseeya ciyaaraha kubada cagta.

Kulanka ayaa soo gali doona 3:30 galabnimo wakhtiga Somaliya iyada oo labada kooxood isha ku hayaan ku guulaysiga horyaalka xolli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Ninka Quruxda Badan Mise Ninka Aan Quruxda Lahayn? Midkee Ayaa Farxad Dareensiiya Gacalisadiisa.

Source link