Kulan shaki badan abuuray oo taliyeyaasha ciidamada qalabka sida galabta yeesheen





Kulankaan oo aad loo hadal hayo caawa ayaa galabta ka dhacay Xarunta wasaarada gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho.

Ma jirto xog faah faahsan oo laga helay waxyaabaha lagu falan qeeyey shirkaasi balse waxaa ka qeyb galay dhamaan taliyeyaasha ciidamada qalabka sida.

Taliyaha ciidanka Xoogga General Odawaa Yuusuf Raage oo shirkaasi codsaday ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Booliska General Cabdi Xasan Xijaar,Taliyaha Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan,Agaasimaha KMG ee NISA General Yaasiin Cabdullaahi Fareey,Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir General Farxaan Qaroole & Saraakiil kale.

Xubno ka ag dhawaa kulanka waxay sheegeen in diirada la saaray sugida amniga iyo dagaalanka ka dhanka ah Argagaxisada.

Kulankaasi waxaa shakiga abuuray markii la sheegay in xog hoose oo soo baxday sheegeyso in taliyayaashaasi ahaayeen kuwo xiriir dhaw la leh Madaxweyne Farmaajo welina Amarkiisa ay ku shaqeeyaan.

Ma cada in saraakiisha kulmay ay ka hadleen banaanbaxa mucaaradka qorsheeyeen in Khamiista laga dhigo Muqdisho taas oo hore maamulka gobolka banaadir ay mamnuuceen in amar la’aan la isku soo banaanbaxo.




Source link