Home Wararka Maanta Kulan deg deg ah oo laga yeelanayo xaalad ka taagan Buulo-Burde &...

Kulan deg deg ah oo laga yeelanayo xaalad ka taagan Buulo-Burde & Xiisad Culus oo jirta





Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Odayaasha dhaqanka degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan inay kulan deg deg ah ka yeeshaan xaalada jahwareerka ah ee ka taagan degmadaas.

Kulanka ayaa Odayaasha waxaa ay uga hadli doonaan shaqa joojintii Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle uu ku sameeyay Guddoomiyihii degmada Buulo-Burde & kuxigeenkiisa & xaalad ka dhalatay Shaqa joojintaas.

Wararka laga helayo degmada Buulo-Burde ayaa waxaa ay sheegayaan in degmada laga dareemayo Shaqa joojintii.lagu sameeyay mas’uuliyiinta Maamulka, isla markaana Bulshada ay cabsi dareemayaan.

Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed) oo aan faah faahin sababta uu Shaqada uga joojiyay mas’uuliyiinta Maamulka ayaa keenay Magaalada Muqdisho.

 




Source link