Home Ciyaaraha Kulamada Uu Andy Robertson Ka Maqnaan Doono Liverpool Oo La Ogaaday. –...

Kulamada Uu Andy Robertson Ka Maqnaan Doono Liverpool Oo La Ogaaday. – Banaadirsom

Banaadirsom Liverpool ayaa war xun ka heshay dhaawaca soo gaadhay xiddiga Andy Robertson kaas oo ku dhaawacmay kulankii ay Liverpool bar-baraha la gashay Athletico Bilbao isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Xiddigii ore ee Hull City ayaa ka dhaawacmay kuraanta waxana la xaqiijiyay in uuna dhaawaciisu ahayn mid halis ah inkasta oo uu seegi doono bilowga xilli ciyaareed cusub ee premier League.

Sidaas darteed xiddiga ayaa haatan la xaqiijiyay in uu seegi doono kulanka Norwich City ee ay Banaadirsom Liverpool ku bilaaban doonto xilli ciyaareedka cusub ee todobaadka dambe.

Waxa intaas sii dheer in u xiddigu seegi doono kulamada kale ee Burnley iyo Chelsea kuwaas oo ah kulamada 2-aad iyo 3-aad ee horyaalka premier League sida la filayo.

Xiddiga Andy Robertson ayaa la filayaa in uu taam u noqdo kulanka Leeds United ee dhici doona 12 bisha September ee soo socota kadib fasaxa xulalka soo socda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ninka Xada Qalbiga Gabadha & Qoyskeeda Aragtida Ugu Horaysa

Source link