Home Ciyaaraha Ku Biiristii Raphael Varane Ee Man United Oo Uu Dib U Dhac...

Ku Biiristii Raphael Varane Ee Man United Oo Uu Dib U Dhac Ku Yimid, Sabab – Banaadirsom

Ku Biiristii xiddiga Raphael Varane ee Banaadirsom Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay dib u dhacday sabab la xidhiidha dhibaato dhanka fiisaha ah.

Banaadirsom Man United ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga Raphael Varane Kadib markii ay Real Madrid kala heshiiyeen qiimaha xiddiga si ay ugu xoojiyaan daafacooda dhexe xilli ciyaareedka cusub.

Daafaca dhexe ayaa xitaa macasalaameeyay xiddigaha Real Madrid waxana uu isku diyaarinayay in uu u Duulo magaalada Manchester si uu u dhamaystiro ku biiristiisa Man United.

Laakiin Taageerayaasha Man United ayaa lagu qasbay in ay sugaan saxiixooda cusub wakhti kale oo ka fog sidii ay filayeen.

Wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in dhibaato dhanka fiisaha ka timid uu xiddiga Varane dib uga dhacay in uu u soo duulo magaalada Manchester waxana uu sidoo kale gali doonaa karantiil dhanka xanuunka Korona.

Wararka ayaa sheegaya in ay ugu yaraan 7 maalin oo kale qaadan doonto ku dhawaaqista Varane kadib marka uu dhamaystiro tijaabada caafimaadka Banaadirsom Man United.

Source link