Home Ciyaaraha “Kooxuhu Messi Ayay Nooga Cabsan jireen”:-Ronald Koeman Oo Uu Calaacalku Ka Dhamaaday....

“Kooxuhu Messi Ayay Nooga Cabsan jireen”:-Ronald Koeman Oo Uu Calaacalku Ka Dhamaaday. – Banaadirsom

Kadib markii ay Barcelona la kulantay niyad jabkeedii ugu horeeyay kadib bar-barihii ay la galeen kooxda Athletic Bilbao, Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa dareemay saamaynta maqnaanshaha Messi ee kooxda Barcelona.

Barcelona ayaa ku dhibaatootay in ay saamayn ku yeelato kulanka iyada oo uu Lionel Messi xaaladahaas oo kale bad-baadin jiray kooxda dhabarkana ku qaadi jiray kooxda.

“Ma jecli in aan mar walba u hadlo sidii hore laakiin waxa aan ka hadlaynaa xiddiga ugu fiican adduunka, kooxuhu waxa ay naga cabsan jireen in badan markii uu Messi nala joogay”ayuu Koeman yidhi.

“Sidoo kale marka aad Leo u dhiibtid kubada, inta badan ma uusan lumin jirin kubada, hadii aad ii sheegtid Leo halkan ma joogo, waan ognahay arintaas waxbana kama badali karno”.

Xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi ayaa qaab xor ah uga tagay kooxda Barcelona kadib markii uu dhacay heshiiskiisii isaga oo ku biiray kooxda PSG.

Sii Akhriso: Faah-Faahino Yar Oo Ay Gabadha Uga Fiirsato Ninka Kulankooda Ugu Horeeya, Iska Sax Arimahan Ninow.

Source link