Home Ciyaaraha Kooxda Man City Oo Heegan Galisay Barcelona, Waxa Ay U Hesheegtay In...

Kooxda Man City Oo Heegan Galisay Barcelona, Waxa Ay U Hesheegtay In Ay Heli Karto Saxiixa Aymeric Laporte Laakiin Hal Shardi Ayay Ku Xidhay.

Kooxda Man City ayaa heegan buuxa galisay kooxda Barcelona kadib markii ay qiimo lacageed oo 60 milyan ah dul dhigtay daafaca dhexe ee Aymeric Laporte sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa ku soo biiray Man City suuqii January 2018 waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee kooxda.

Laakiin Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay Man City suuqa dhigtay xiddiga inta lagu jiro suuqa xagaagan kadib markii uu ka baxay qorshaha tababare Pep Guardiola.

Kooxda Barcelona ayaa ah koox si weyn loola xidhiidhinayay saxiixa daafaca dhexe kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso daafaceeda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda Man City ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga hadii ay hesho dalab lacageed oo dhan 60 milyan inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sii Akhriso: Sababaha Ay Raggu U Doorbidaan In Ay Xidhiidh La Sameeyaan Gabadhaha Da’da Waaweyn.

Source link